Yaa Loo soo magacaabay Ergeyga Midowga Africa Ee Doorashada Soomaaliya?

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa u magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Mahama Wakiilka sare Midowga Afrika u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Si gaar ah Arimaha doorashada Soomaaliya ka dhaceysa ayuu noqon doonaa mid kala shaqeyn doona Midowga Africa.

John Mahama ayaa waxa hortaalla shaqo Adag marka la eego sida looga saamileyda Siyaasadda kala aragtiyada duwan sidii uu xal uga keeni lahaa.

Waxa loo arkay inuu yahay mid ku haboon Shaqadaan loo igmaday islamarkaana uu dhinacyada Soomaalida ku hogaamin karo inay la yimaadaan tanaasul la wada oggol yahay oo ku aaddan xal loo dhan yahay oo ku saabsan qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan.

Mahama ayaa ah 62 sano jir Dalka Ghana Madaxweyne kasoo ahaa intii udhaxeysay Sanadihii 2012 ilaa 2017-kii,waana siyaasi aragti fog leh sida ay ku tilmaameen dadka yaqaana.

You might also like More from author