Xuutiyiintii ugu badnaa oo ka baxay Dekadaha Yaman

Qaramada midoobay ayaa sheegtay Axaddii shalay in ka bixitaanka Maleeshiyada Xuutiyiinga ee Dekedaha Muhiimka ah ee Yemen ay ku dhacday si waafaqsan qorshii lagu heshiiyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayuu Guddoomiyaha u qaaabilsan Qaramada Midoobay isku duwidda qorshahan, Michael Lollesgaard, waxa uu ku sheegay in dhamaan sade dekadood ay kormeer ku sameeyeen markii ay ka baxayeen milatiga ay ka baxayeen oo ay la wareegayeen ciidamada ilaalada xeebaha.

Qiyaastii 60, kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalada, qarka u saaran malaayiin dadka reer Yemen ah macluul. Ku dhawaad 3 malyun oo qof ayaa ku barkacay, laba meelood meel dadkaasna waxey u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

You might also like More from author