Xukuumadda Somaliya oo beenisay in xilka laga qaaday Wasiir ku xigeenka Batroolka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu qoray baraha bulshada oo lagu sheegay in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

Maxamed C/Qaadir Hilaal ayaa warqadda been abuurka ah loogu qoray in uu shaqo aan ahayn tiisa uu faraha la galay lana shaqeeyay dalalka deriska ah.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa beenisay Warqaddaas oo  ay ku sheegtay in been abuur ah kana mid ah wararka beenta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la dabagalayo dadka warkaas been abuurka ah ku faafiyay baraha bulshada

You might also like More from author