Xukuumadda Somalia oo Shaacisay in AMISOM laga Wareejinayo Xarumo ay Muqdisho ku leedahay

Wasiirka wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale islow  oo ka qeyb galayey shirka caalamiga ah ee looga hadlayey Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Belgium-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan goobo muhiim ah oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaas si kumeel gaar ah ay dowlaadda Soomaaliya ugu soo bandhigtay Beesha Caalmka .

Wasiir islow, ayaa waxaa  xusay in Garoonka Stadium Muqdisho oo ay hadda ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM ay dhawaan la wareegi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, islamrkaana lagu wareejin doono Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, si loo soo celiyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed oo ay dhalinyarado badan  ay fursad ugu  helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan.

”waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri wasiir islow .

Maxamed Abukar islow, waxaa   uu hoosta ka xariiqay  in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu farxo.

You might also like More from author