Xukumadda Qeyre oo dhowr waxyabood kaga duwan kuwii dalka somaray maxumaan mise samaan ?

Xarumihii dawladda Xamar kaliya miyay ku yaaleen? Hadal-haynta barayahan Muqdisho & baraha bulshada ugu badan waxay ku saabsanayd dood ka taagan xarumo dawladeed (gaar ahaan dhulka ku xeeran xeradii ciidanka badda) oo siyaasiyiin & dad shacab ah ay daganyihiin. Xukuumadihii ka horeeyay xukuumadan, haba yaraatee wax dood kama aysan keenin daganaanshaha dhulka ku xeeran xaruntii ciidanka badda, oo waxay xeeriyeen xeerkii dawladda hoose ee Xamar & digreeto madaxweynihii hore allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf ay ku bixiyeen dhulkaas. Waxaa is waydiin mudan, xukuumaddan ma waxay ka bir-labsantahay, xukuumaddihii ka horeeyay, mise xukuumad ahaan ayaysan u aqoonsanayn waxii iyaga ka horeeyay? Waa su;aal dadweynaha u taal. Si kale hadalka haddii aan u dhigo, xarumihii dawladda Xamar kaliya miyay ku yaaleen? Jawaabtu waa maya, balse dadka fagaarayaasha fadhi-ku-dirirka & baraha bulshada kaga doodaya dad ayaa (Xamar) xarumo dawladeed dagan, mid ayaan odhan lahaa, xukuumaddan gudcurka gudaysa ee nal la,aanta xawaaraha dheer ku socota iyadana mid kale ayaan odhan lahaa. Dadka hadalada aan loo meel dayin meelaha kaga hadaaqaya waxaan odhan lahaa, walaalayaal haddii uu hadafku yahay dib usoo celinta xarumihii danta guud, bal aan idin xasuusiyee inta aynaan Xamar kaliya xisaabinin, dib aan iskugu noqono oo is waydiino degmooyinka & gobolada aan kasoo jeedno xarumihii dawlada ee ku yaalay, xaggee ku dambeeyeen? Xukuumadda warkeeda waxaan kusoo koobi lahaa, Xarumaha dawladda ee aad dadka ka saaraysaan, Xamar kaliya miyay ku yaalaan, mise dhulka Xamar ayaa xaraashka ku fiican oo xoolo badan idiin gooynaya? Waxaan mar walba ka afeefanayaa in aanan u qiil-bixinaynin boobka hantida Qaranka ee Xamar & meel kale midna, balse ujeedadaydu waa inaan tilmaamo inay jirto hanti Qaran oo kale oo ku maqan qaybaha kale ee dalka, muhiimaduna ay tahay dib usoo celinta hantida danta guud in isku mar ay dalka oo dhan ka hirgasho, oo gobol & degmo gaar ah midna aan duulaan gooni ah lagu qaadi karin, iyada oo gobolada kale ee dalka dadku dhul dawladeed daganyahay. Waxaan dadaal dheer u galay inaan diiwaan galiyo xeryihii ciidanka XDS ee ku yaalay lixda gobol ee maanta loo yaqaano Jubbaland & Konfeer Galbeed, waloow aanan diiwaan galintaa wali dhamaynin, waxaan ilaa hadda xaqiijiyay soddon & dhawr xerooyinkii ciidanka kuwoodii ugu waaweynaa ee dalka laga difaaci jiray in maanta ay isku badaleen deegaano dad shacab ah ay dabaqyo ka dhisteen dhisteen. Waxaa taa sii dheer oo iyagana si xisaab la,aan ah loo boobay xarumihi & xafiisyadii dawladda oo isku badalay guryo dad gaar ah leeyihiin. Haddaba duqa Muqdisho, madaxda dabada ka riixaysa & shacabka durbaanka u tumaya, waxaan waydiin lahaa, haddi hadafka laga duulayo uu yahay soo celinta hantida danta guud, maxaa Xamar kaliya xeerkaa loogu xukumay? Hadal & dhamaan, canshuur bixinta & soo celinta xarumaha dawlada maxaa Xamar ku gaar yeelay? Axmed Maxamed Xasan 8/4-2019

You might also like More from author