Xukumadda oo Soomaaliya oo sheegtay sababta loo eryay Amb Madera

Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay faah-faahin ka bixisay sababta dalka looga eryay Ergaygii Muqdisho u joogay Midowga Africa, Amb Fransisco Madera.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in Madera uu ku dhaqmay waxyaabo ka baxsan Sharciga iyo dhaqanka Diblumaasiyadda, taasi oo dhaawacaysa danta Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Al-caddaala ayaa sheegay in ay muddo ka fakirayeen tillaabadaan uu Ra’iisul wasaare Rooble ku eryay Madera in uu dalka kaga baxo muddo 48 saacadood ah.

Ma cadda sida uu dhaqan geli doono go’aankan lagu eryay Madera, maadaama uu ka soo horjeestay Madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Ra’iisul wasaare Rooble

You might also like More from author