Xubno ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox Baskoolado ku hubeysnaa ay weerar ku qaadeen Ciidamo dharcad ah oo ka tirsanaa nabad sugidda Soomaaliya.

Weerarka ayaa xalay fiidkii ka dhacay Waaxda  Calasow dheere ee degmada  Shibbis ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal xilliga weerarka dhacayay ku sugnaa halkaas waxaa goobta ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii weerarka lagu qaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Haweeney ka mid ahay kooxda la weeraray, waxaana ay ka tirsanaayeen Nabad Sugidda Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo iyaguna sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in ay halkaas ku dileen labo ka mid ah Ciidamada Nabad Sugidda Baskoolado ay wateenna ka qaateen.

You might also like More from author