Xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka oo maanta gaaray Kismaayo

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha guddiga FEIT ahna gudoomiye kuxigeenka guddiga xaqiijinta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Muuse Geelle Yuusuf oo uu weheliyay mudane Maxamed Aadan Cismaan oo xubin ka ah guddiga.

Labadan xubnood ayaa ka dhimana guddiga oo intooda badan ay shalay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay bilaaban howlihii loo igmaday ee ahaa xaqiijinta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Garbahaarey.

You might also like More from author