Xubno ka mid ah golaha shacabka oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu doorto 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka Guddiga Doorashada Heer Federaal, Axmed Aadan Safiina ayaa sheegay in maanta ay dhaceyso Doorashada lix kursi oo Golaha Shacabka ka soo galeya Gobolada Waqooyi

Dhinaca kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku wargaliyey musharixiinta ku tartamaysa kuraasta Golaha Shacabka in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa.

You might also like More from author