XOG: Shabaab oo Guuldaro xoogan ay soo gaartay & Madaxda DFS masuul ka ah Arrin Cusub oo lagu arkay…

Sida aan wararka ku heleyno waxaa hoos u dhac ku imaaday cadadka dhalinyarada ay maleeshiyada Al-shabaab u diyaarin jireen weerarada Ismiidaaminta ee ka dhaca Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Hoos u dhaca ugu badan ayaa iminka ah mid heysta tirada Saldhigyada tababarada oo aad uga yaraaday heerkii hore, kadib markii ay maleeshiyaadka galeen jawi ka cabsi badan kii hore.

Wararku waxa ay sheegayaan in hoos u dhacaasi uu sababay weerarada ay Gobolada dalka ka geysanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa horay u duqeeyay ilaa Seddex Saldhig oo ay maleeshiyaadka ku tababari jireen dhalinyarada fulisa Ismiidaaminta iyo kuwa diyaariya kiimikada laga sameeyo Qaraxyda.

Burburka Saldhigyadaas ayaa maleeshiyada u horseeday hoos u dhaca, waxaana halkaa ka baxsaday dhalinyaro dhowr ah kuwaa oo loo diyaarinaayay fulinta weerarada Ismiidaaminta.

Dhabar jabka weeraradaasi kasoo gaaray maleeshiyaadka ayaa sababay khasaaraha 60%, waxaana iminka lasoo sheegayaa in Kooxda aysan faro ku heyn Saldhigyadii lagu diyaarin jiray dhalinyarada.

Dhaqaalaha ugu badan ee maleeshiyada ayaa ku baxa dhalinyarada loo carbiyay fulinta weerarada Ismiidaaminta, kuwa kiimikada isku dara iyo Maleeshiyaadka weerara xarumaha dowlada iyo kuwa ciidamada shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka ayaa waxaa ku adkaan doona kasoo kabashada jabka kasoo gaaray duqeymaha, iyadoo dhabar jabka ugu xoogan uu yahay mid ka heysta dhinacyada weerarada.

You might also like More from author