XOG: Mukhtaar Roobow oo Hadiyad la siiyay ka dib markuu DF usoo Celiyay Hanti Qaran

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in wadaadka kasoo goostay Al ­Shabaab Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) uu dib u celiyay gaadiid ay laheyd Dowlada Somalia.

Gaadiidka oo ahaa hanti Qaran isla markaana aanu xabada Karin ayaa waxa uu dib ugu celshay gacanta dowlada Somalia, kadib markii uu helay gaadiid kale oo tayo leh.

Illo ku dhow dhow Mukhtaar Roobow ayaa inoo xaqiijiyay in wadaadka hadiyad ahaan ay dowlada Mareykanka u siisay ilaa seddex gaari oo aanu xabada karin kuwaa uu ku dhex isticmaali doono gudaha magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo.

Gaadiidkan oo shabaha kuwa dowlada Somalia ayaa la sheegayaa in tayo ahaan ay aad uga wanaagsan yihiin, kuwaa oo aan kareynin xitaa hubka aadka u culus.

Gaadiidka uu horay u isticmaalayay Roobow ayaa ahaa hanta Qaran, waxa uuna si KMG ah usii isticmaalayay inta uu ka helaayay kuwa iminka lagu wareejiyay.

Roobow ayaa bilihii ugu danbeysay si dhow ula shaqeynaayay dowlada Mareykanka, waxaana xusid mudan inay kuwada kulmaan wadamada Kenya iyo Jabouti.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa aad u garabtaagan wadaadka Mukhtaar Roobow oo magaalada Xudur uga soo cararay Shabaab.

You might also like More from author