XOG: Maxaa kasoo baxay Kulamadii Kheyre, Muudey & Shariif Xasan la yeesheen Xildhibaanada?

Waxaa xog faahfaahsan laga helay kulamadii u dambeeyay ee xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Villa Hargaysa, kulamadaasi oo la xiriiray cidda noqonaysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xalay markii ugu horreysay xildhibaannada Soomaaliyeed qaarkood, gaar ahaan kuwa taageersan Nabad Iyo Nolol shirar kale duwan la qaatay R/wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Muudey Iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan.

In kastaa kulamadaasi ay ka dhaceen goobo kale duwan Iyo wakhtiyo kale duwan oo isla xalay ah, hase ahaatee waxaa nuxurku uu ahaa in Xildhibaannada lagu qanciyo in ay Doorashada dhacaysa 2 barri kaddib Guddoomiye u doortaan Murashax Maxamed Mursal.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo aan xiriir dhow la sameynay ayaa noo xaqiijiyay in ay ku gacan seeren soojeedintaas, ayna shaaciyeen in ay u madax banaan yihiin go’aankooda, Iyo masiirka Golaha shacabka cidda matalaysa.

Waxaa durba bilaabatay guux iyo sawaxan xooggan oo la xiriira taageerada ay u mujiyeen Kheyre, Fahad, Iyo Shariif Xassan Musharaxa lagu magacaabo Maxamed Mursal.

Balse waxaa soo if baxday in ay taageradaas ku waayeen xubno tiro badan oo Baarlamaan ah, kuwaasi oo aragti ahaan ay ku midaysnaayeen Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Mudane Jawaari.

You might also like More from author