XOG: Madaxda M/Gobaleedyada oo Xiriirka u Jaraya DFS & Imaaraadka oo Bixinaya Dhaqaalaha

Dowladda imaaraadka Carabta ayaa qarash badan ku bixineysa shirka madaxda maamul goboleedyada dalka oo Maanta ka k furmaaya Baydhabo.

Safaaradda imaaraadka ay ku leeyihiin Kenya, oo kaashaneysa Axmed Madoobe, ayaa la rumeysan yahay in ay lacag dhowr milyan oo doolar ay u qeybisay madaxda maamul goboleedyada si ay xiriirka ugu jaraan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi la filayo inuu noqdo go’anka kasoo baxaya shirkka.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo koofur galbeed, ayaa qorshahan kasoo dhammeeyay imaaraadka kadib markii toddobaadyadii ugu dambeeyay ay booqasho ku tageen Dubai.

Madaxda ayaa loo ballan qaaday lacag dheeraad ah haddii shirkooda ay kasoo saaraan go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe, wayna ogolaadeen, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Imaaraadka ayaa ku dedaalaya sidii buuq ay ugu furi lahayd dowladda Soomaaliya, maadaama xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood uu xumaaday, waxeyna u muuqataa in madaxda maamul goboleedyada la safan yihiin Imaaraadka.

You might also like More from author