XOG: Khilaafka Madaxda Galmudug oo Meel xun gaaray (Wada hadaladii Muqdisho & Cadaado oo Fashilmay)

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu sareeyey, waxaana fashilmay wada hadaladii uga socday magaalada Muqdisho sida ilo wareedyo ay inoo xaqiijiyeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug, waxaana safarkiisa ku wehliyey Saadaq Sheekh Yuusuf wakiilka Ahlu Sunna. waxaana la filayaa in dhawaan Madaxweyne Xaaf ku dhawaaqi doono Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo tiro Xildhibaano Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay tagaan  magaalada Cadaado.

Dhanka kale Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa waxaa xalay ka socday shirar looga arinsanayo wafdiga maanta tagaya Cadaado ee uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Isxulufaysi siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda Galmudug ayaa ka bilowday Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, Madaxweyne Xaaf ayaa garab ka helaya Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Madaxweyne Ku xigeenkana wuxuu garab ka helayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Dowladda Federaalka ah ayaa ku guul dareysatay in ay xaliso khilaafka Madaxda Sare Galmudug kadib markii Madaxweyne Xaaf ka biyo Qodobadii ay wateen garabka kasoo horjeeda.

You might also like More from author