XOG: Farmaajo oo xeelad kale u Bedelay Qorshihii uu xilka kaga tuuri rabay Xaaf

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa bedelay qorshaha uu doonayay in xilka Madaxweynaha uu kaga tuuro Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana magaalada Muqdisho uu ku casuumay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf oo isna Muqdisho jooga.

Labadan mas’uul iyo xubno kale oo Galmudug ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Muqdisho, balse ma aanay sii faah faahin ulajeedka loogu yeeray.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay, in ulajeedka madaxdan loo keenay Muqdisho ay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka maalmaha badan soo jiitamayey ee ka dhaxeeya maamulka Galmudug.

Waxay Madaxweyne Farmaajo uu doonayaa inuu xaliyo khilaafyadan, meeshana laga saaro is faham waaga, si howlaha Galmudug ay usii socdaan.

You might also like More from author