XOG: Farmaajo oo Heshiisiiyay Muudeey iyo Mahad Cawad, kana Codsaday in hal Musharax…

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xalay hishiisiiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Muudeey, Iyo G/kuxigeenka 2aad ee Golaha Mahad Cawad.

Kulanka uu Madaxwaynuhu ku hishiisiiyay Labada Guddoomiye kuxigeen ayaa nuxurkiisu ahaa in ay isku tanaasulaan, bacdamaa Mudane Muuday uu u Ololeynayay Murashax Maxamed Mursal, Halka Mahad Cawad­na uu watay Murashax Xaaji Cali.

Muhiimada hishiisiintooda ayaa la xiriirtay in ay isku raacaan hal Murashax oo ay ku midaysan yihiin. Waxaana loo badinayaa in ay kuwada qanceen Maxamed Mursal.

Waxaa durba bilaabatay guux iyo sawaxan xooggan oo la xiriira taageerada ay u mujiyeen Kheyre, Fahad, Iyo Shariif Xassan Musharaxa lagu magacaabo Maxamed Mursal halka Madaxtooyada Soomaaliya aan wali la cadeyn shaqsiga sida gaara ay u wadato.

You might also like More from author