XOG CUSUB: Ra’iisul wasaare Kheyre oo Safar Shaqo ku tagaya Dalka Belgium

Xog gaara oo aan helnay ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu safar shaqo ku tagi doono Magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku beegan bisha soo socota ee May Maalinteeda koowaad (1-4-2018).

Qaban qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa ka socota dalka Belgium, waxaana horkacaya Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.

Habeenka bisha ay tahay May 3, 2018 Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu la hadli doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee waddanka Belgiumka, waxaana laga codaday guud ahaan Soomaalida ku dhaqan dalkaasi inay kasoo qeyb galaan.

You might also like More from author