XOG CUSUB: R.W. Kheyre oo Canaan & Hanjabaad iskugu daray Masuuliyiin caan ah

sida ay ogaatay Warbaahinta Xamarpost.com Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan albaabada u xiran yihiin xalay la qaatay qaar ka mid wasiiradiisa.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu canaantay qaar ka mid ah wasiirada waliba kuwii sida gaara ula falgalay dhacadadii Bariire.

Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn kaga xumaaday in wasiiradiisa ay hadalo kala duwan saxaafada iyo baraha bulshada u adeegsadaan, wararkaasi oo aan aheyn kuwa laga fiirsaday qalqalna galiyay 24-saac jiritaanka wasiiradaasi.

Si gaara wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre u canaantay Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow iyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi rashiid Cabdilaahi Maxamed.

Labadaan masuul ayaa ku deg degay inay warar siiyaan bahda Warbaahinta waxay ku sheegeen dadkii lagu xasuuqay Bariire Al shabaab taasoo oo shacabka ay ka caroodeen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegay dhamaan wasiirada kuwii joogay iyo kuwa maqanba in war aanan soo marin xafiiskiisa aan lo adeegsan Karin Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

Amarkaan ayaa hadii uu dhaqan galo waxaa yaraanaya khaladaad badan oo ay galayaan wasiirada xukuumada Kheyre.

You might also like More from author