XOG CUSUB: Afduub Qarsoon oo Muqdisho ka dhacay & Baaritaano la wado

Taliska Ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Gacanta ku dhigay Koox wadatay qof ay soo  afduubteen.

Xogtan ayaa waxay sheegeysaa in kooxdaas ay Shaqsigaan ka soo afduubteen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir balse kooxdaas aan weli lacadeyn tiradooda.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hodan ayaa waxa ay sheegeen in raggaas haatan lagu hayo Saldhiga degmada Hodan isla markaana baaritaano uu ku socdo waxa ay yihiin kuwa wax afduubtay.

Dhanka kale xiriir ayaan la sameynay taliska Booliiska degmada Hodan si aan faah faahino dheeraad ah uga helno balse ay diideen in ay ka hadaan.

You might also like More from author