XOG BUUXDA: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo Todobaadkan iscasilaya

Warar hoose oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in is casilaad uu ku dhawaaqi doono Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Wararku waxa ay tibaxayaan in gudaha asbuucan uu is casili doono Wasiirka Gaashandhiga, si uu uga qeybqaato doorashada Kursiga uu baneeyay Jawaari.

Wasiir Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xilka isaga casili doona si uu xooga u saaro doorashada kursiga uu baneeyay Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa asbuucii tagay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada uu baneeyay Jawaari.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa iminka wada dadaalada uu ku gaari lahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, waxa uuna garab ka helayaa Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia.

Sidoo kale, Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanaayo Xildhibaanada baarlamaanka si uu u ogaado suuragalnimada in xilka Guddoomiyenimo uu heli karo.

Docda kale, Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa wada xulista xubnaha qaban qaabin lahaa Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

You might also like More from author