Xldhibaanada Baarlamaanka oo maanta kulan yeelanaya

Sida uu qorshuhu yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku yeelanayaan kulanka Guud ee Golaha Shacabka.

Sida lagu sheegay fariin loo soo diray Wariyeyaasha ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Biyaha iyo Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbarashada.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa furmaya 10:00 subaxnimo, waxaana xildhibaanada dhammaantood lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan xarunta Golaha Shacabka, waqtigii lagu balamay, si kulanka uusan dib u dhac ugu imaan.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada ay isku diyaariyeen kulanka maanta sharciyo kala duwanna Baarlamaanka la horkeeni doono.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay 11 Hindise Sharciyeed oo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

You might also like More from author