Xisbiga Waddani oo sheegay in uu ka baxay heeshiis ay wada galeen Xisbiya Somaliland

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay in uu ka Baxay Guud ahaanba Heshiiskii ay dhawaan kala Sexeexdeen Sadexda Xisbi ee maamulka Somaliland oo lagu Soo Afjaray Khilaafkii Doorashooyinka oo in mudaa ka dhex taagnaa.

Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sababta ay uga baxeen tahay ka dib markii Xisbiga Talada haya ee Kulmiye jabiyey Qaar ka mid ah Qodobadii Heshiiskii ay wada gaadheen si uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Waddani ayaa intaas ku daray in aysan fuli doonin qodobadii ay dhawaan kala saxiisdeen Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani oo looga heshiiyay arimaha Doorashooyinka iyo inta ay noqonayaan Xubnaga Gudigga Doorashooyinka Somaliland.

Warkaan ka soo yeeray Hogaanka Xisbiga Wadani ayaa imaanay iyada oo ay shalay laaleen Golaha wakiiladda Somaliland heshiis ay horay u galeen Xisbiyadda Somaliland oo dhigaayay in Gudiga doorashooyinku ay noqdaan 9 Xubnood waxa ayna Golaha Wakiiladu sheegeen in ay ka dhigeen 7 Xubnood.

You might also like More from author