Xisbiga Talada Haya Dalka Hindiya Oo guuldaro lama filaan ah la kulmay

Xisbiga Talada Haya Hindiya ee BJB ayaa guuldaro kala kulmay Doorashadii ka dhacday saacado ka hor Gobolka Bengal oo ay codad badan ku tashanayeen inay helaan.

Ra’iisal wasaaraha Dalka Hindiya Narandara Muudi ayaa Xisbigiisa waxa uu lumiyey fursad weyn,taas oo dhabarka usaartay guuldaro lama filaan ah oo ku dhacday.

Saameynta Covid 19 awgeed ayaa loo sababeeyey guudlarada Xisbiga BJB soo gaartay xilli Galbeedka Gobolka Dhaca Ee Bengal uu ahaa mid ahmiyad ugu fadhiyey Xisbigaan si ay uguuleystaan.

Kuraasta Baarlamaanka ee Gobolkaasi oo ah 294 kursi ayaa hadda umuuqata in Muudi iyo Xisbigiisa inay weji gabax kala kulmeen doorashadii dhacday.

Hindiya shalay axadii waxa laga diin waan geliyey dhimashada inkabadan 3 kun qof waana markii ugu badneyd ee tiro intaas la eg hal maalin ugeeriyoodaan cudurka covid 19.

You might also like More from author