Xiliga lagu dhawaaqayo natiijada kama dambeysta ah ee Xildhibaannada oo la shaaciyay

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, ayaa soo gudbiyay jadwalka dhameystirka doorashada 2020-2022,

Guddiga FEIT waxaa ay ku wargeliyeen Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed in ay kusoo dhameystiraan dokumiintiyada Xildhibaanada Labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad taariikhdu markey tahay 16 bishaan illaa 23 keeda sanadka 2022-ka.

Sidoo kale, Guddiga ayaa shaaciyay xiliga lagu dhawaaqayo natiijada kama dambeysta ah ee xildhibaannada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah bishaan 31 keeda aan ku jirno.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo kaa shanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ay qabanayaan xaflada dhaarinta Xildhibaannada Labada Aqalka ee BFS.

You might also like More from author