Xildhibaano ku wajahan magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay tagaan xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo degaan ahaan ka soo jeeda Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta Cadaado ay imaanayaan xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ujeedkooda lagu sheegay qaboojinta xiisada ka taagan Cadaado.

Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa kor u sii kacday kadib markii xildhibaano sameystay shir guddoon KMG ah oo shalay gelinkii dambe ku kulmay Hotel magaaladaasi ku yaalla ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle (Xaaf) oo ka hadlay arrintaasi ayaa ka soo horjeestay talaabada xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ay sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen isaga.

Xildhibaano kale oo xalay ku kulmay magaalada Cadaado oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in aysan sax aheyn xilka qaadista lagu sameeyay (Xaaf), ayna ka soo horjeedaan arrintaasi.

You might also like More from author