Doorashada Golaha Shacabka oo maanta ka bilaabatay Magaalada Garowe ayaa kursikii ugu horeeyay ee Hop#196 waxaa ku guuleystay Cabdi warsame Ibraahin Qawdhan oo ah wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland, isagoona ka guuleystay Abshir Cabdi Xuseen.

Doorashada Kursiga 1aad ee gollaha shacabka Soomaaliya ayuu ahaa Hop#196 Waxaana kuwada tartamayay Cabdi Ibraahim (Qawdhan) iyo Abshir Cabdi Xuseen, Cabdi Ibrahim Warsame Qowdhan oo ku guuleystay kursiga ayaa helay 90 Cod , halka Abshir Cabdi Xuseen uu helay 6 Cod,  sidoo kale Waxaa halaabay 2 Cod,

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Garowe, waxaana la guda galay doorashada kursiga labaad, iyadoona ay wali socoto Doorashada Golalaha Shacabka.