Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta ka hadli doona Arrinta Qalbi Dhagax

Ka dib mudo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, dib ayay maanta iskugu laaabanayaan, waxayna yeelan doonaan kulankoodii caadiga ahaa.

Kulanka Maanta ayaa ah mid xasaasi ah isla markaana isha lagu wada hayo,iyada oo looga hadli doono arrintii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax.

Mudanayyaal ka tirsan Baarlamaanka qaarkood ayaa aad uga carooday wareejintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax,iyada oo kulanka Maanta yahay mid la wada sugayo.

In kastoo warar soo baxaya oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay macquul tahay in kulanka uu baaqdo balse dooda ugu adag ayaa laga yeelaa doonaa arrinta Qalbi Dhagax sida ay horay u sheegeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

You might also like More from author