Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Maanta Ka Shiraya Dagaalka Deegaanka Tukaraq

Guddiga joogtada ee golaha Aqalka sare ayaa Maanta lafilayaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Magalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadi doonaan qodobo dhowr ah.

Ajandaha kulanka Maanta ee Guddiga ayaa ah laba qodob ka ahdlida dagaalka deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland iyo sidoo kale jadwalka Shaqo ee inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in siweyn ay uga hadli doonaan dagaalka deegaanka tukaraq kaas oo sababay dhimashada dad badan iyo dhaawaca kuow kale.

Sikastaba diyaar garowga kulanka Guddiga joogtada ee golaha Aqalka sare ayaa haatan ka socda Xarunta guddigaas ay ku shiraan ee Magalada Muqdisho.

You might also like More from author