Xildhibaan Sheegtay in Madaxda ay hal Xaafad uun ka Booqanayaan Baladweyn

Xildhibaan Faaduma Faarax oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadashay Saameynta Fatahaada Wabiga Shabelle iyo Socdaalka Madaxda Dowladda ay ku tageen Magaalada Baladweyn.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in Nolol adag ay la soo deristay dadka ku Nool baladweyn, balse xaalada ay uga sii dareyso in Madaxdii dalka ay Meelo gaara ka soo arkaan saameynta fatahaada iyo Roobka ee Blaadweyn oo dadkeedii barakaciyay.

Waxa ay Sheegtay in Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Famaajo iyo kan Hirshabelle Maxamed cabdi Waare ay soo indha indheeyeen oo Kaliya deegaano Gaar ah oo sida ay Hadalka udhigtay Hal reer ka dega Magaalada.

“Baladweyn, Bari iyo QOraxsin ayey leedahay, ma aha Madaxda Iney tagaan oo kaliya Qoraxsin, waa in loo Tagaa dadka Geedaha ku Hoyanaya ee Meydkoodana Doonyo lagu qaadayo, Anaga hadaan Xildhibaano nahay ma aha in nala dhoho Dowladdii hal meel kaliya ayey tagtay, Waa in Shacabka Cuqdada laga saaraa” Ayey Tiri Xildhibaan Faaduma Faarax.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu Hogaaminayay oo Shalay tagay Baladweyn ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, Wuxuuna sheegay in Guddiga isaga Madaxda uyahay ee Fatahaada loo xil saaray Gargaar dhinacyo kala duwan leh gaarsiiin doonaan Shacabka.

You might also like More from author