Xildhibaan Moses Kuria oo u gefay Soomaaliya

Moses Kuria  oo ka mid a Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa u gefay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Warbixin gaar ah oo uu kaga hadlayay damaca Kenya ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya ayuu sheegay in Kenya ay markan ku qasbantahay in ay muujiso awooddeeda Milatari ee Gobolka Iskana celiso Soomaaliya.

Waxaa uuSoomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan dowlad lahayn,waxaana uu dowladda Kenya ugu baaqay in Ciidanka Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya waajibkooda qaranna gutaan.

Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay 40% Biyaha Kenya qaadaneyso sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu codsaday in Kenya aysan oggolaan waxa uu ku tilmaamay gardarrada.

Kenya oo awalba Dhul Soomaaliyeed xoog ku heysatay ayaa hadda isku dayeysa in ay qaadato qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya oo ay hadda si sharci darro ah ku maraan Maraakiibta u socda Dekadda Mombasa.

Kenya ayaa dhawaan ku gooddisay in haddii iyaha Soomaaliya lagaga guuleysto ay Badda ku qabsan doonto Dalka Tanzania taas oo acddeyneysa in Kenya aysan lahayn Bad ku filan.

You might also like More from author