Xiisad ka taagan Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug

Maamulka Dhuusamareeb ayaa cambaareeyay dhisme Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Galmudug ay ka dhex dhisteen jidka ugu weyn ee halbowlaha u ah Xaafada Dayax ee Dhuusamareeb.

Af-hayeenka Maamulka Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad ayaa sheegay in tilaabadani tahay mid ka fog sharciga iyo summada ciidannimo isla markaana ay xad gudin ku tahay nidaamka wadooyinka.

Jidkan oo u dhexeeya Saldhiga Booliiska iyo Xarunta bangiga ayaa mudo dheer ahaa kan ugu hagaagsan ee la adeegsado xiliyada roobku jaro isku socodka xaafada Dayax, waxaase bil kahor jidkan dhisme geerish ah ka sameeyay Ciidanka Ilaalada wadooyinka iyagoo ugu dambeyn maanta u badaley mid rasmi ah oo ku bilaabey dhismaha xafiisyo iyo darbi weyn.

You might also like More from author