Xiisad Ka Jirto Mid Ka Mid Ah Albaabada Garoonka Muqdisho laga Galo

Wararka inaga soo gaaraya Madaarka Caalamiga Ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad iyo cabsi dagaal laga dareemayo kadib isku dhac dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Kuwo Soomaali ah.

Sargaal katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la kulmay diidmo ay ku sameeyeen Ciidanka AMISOM xilli uu doonayey Gaadiidkiisa iyo Askar la socotay ay gudaha u galaan Air port-ka Aadan Cabdulle Cusmaan.

Wararka ayaa sheegaya in sargaalka la hor istaagay uu xirtay wadada MARINA GATE oo kamid ah jidadka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sargaalkaan ayaa diiday in laga soo baxo ama la galo Garoonka, isaga iyo Ciidankiisa oo isku dhinac ah iyo AMISOM oo dhinac kale ah ayaa halkaas isku hor fadhiya.

Saraakiisha AMISOM ayaa amray Ciidankooda inay lasoo baxaan baabuur dagaal oo waa weyn, shacabkii iyo shaqaalaha Garoonka ayaana halkaas ku xaniban.

Isku dayo lagu joojinayo Xiisadaasi ayaana saraakiisha ciidamada Dawlada ay wadaan si aan isku dhac Garoonka uga dhicin.

You might also like More from author