Xeer ilaaliyaha Qaranka oo warbaahinta ka dalbaday in ay iska hubiyaan wararka ay tabinayaan

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in warbaahinta madaxa banaan lagula xisaabtamayo wararka qaar oo ay baahiyaan, oo uu tilmaamay in aysan xaqiiqada ku saleysneyn.

Waxa uu sheegay in warbaahinta qaar ay ku qaldanaayeen in ay tabiyaan in ragii weeraray Hotelka Naasahablood 2 Sabtidii ina dhaaftay ay wateen aqoonsi Taliska Nabada sugidda ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wararkaasi ay ahaayeen kuwa been abuur ah oo sal iyo raad midna aan laheyn, islamarkaana in lagula xisaabtamo ay tahay warbaahinadii baahiyay warkaasi.

Axmed Cali Daahir ayaa wuxuu sheegay in Xafiiskiisa uusan aqbali doonin in bulshada Soomaaliyeed loo baahiyo warar qaldan oo aan xaqiiqo loo heyn sida uu sheegay.

Warbaahinta qaar ayaa baahiyay in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weeraray Hotelka Naasahablood 2 ay wateen Taliska Nabada sugidda ah iyo dareeska ciidanka Dowladda Federaalka.

Hadalkaan ayuu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ka sheegay kadib markii uu ka qeyb galay shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Wasaaradaha warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Dhexe iyo warbaahinta madaxa banaan.

You might also like More from author