Xasan Sheekh oo baaq u diray maamullada Somaliland iyo Puntland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay inay dagaalka Tukaraq ku bedelaan Wada hadal si loo baajiyo dhiiga ku daadanaya Gobolka Sool.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka labada maamul u dhaxeeya uusan wax faa’ido ah u lahayn labada dhinaca,waxaana uu ku baaqay in ay wadahadal ku beddelaan.

Waxaa uu Dalka Tanzania uga qeybgalay shirka Madaxweynayaashii hore ee Afrika,kaas oo uu khudbad ka jeediyay,waxaa uu sheegay in shirka waxyaabaha uu ka hadlay ay ka mid tahay waaya aragnimada iyo caqabadaha heysta madaxda Afrika.

Gabagabada shirkaas ayuu sheegay in talo soo jeedinta ka soo baxday loo wareejiyay Ururka Midowga Afrika si ay iyaguna ugu gudbiyaan madaxda xilka heysa ee Afrika.

You might also like More from author