XASAASI: Maxkamadda sare ee Dalka oo soo bandhigtay Dacwad ka dhan ah Xaaf

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa soo bandhigtay Dacwad ka dhan ah Maadxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,taas oo sheegeysa in uu soo eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Maxkamadda sare ayaa 25ka Bishan oo berri ku beegan u yeertay Qareennada labada dhinac ee is eedeeyay islamarkaana ay dhegeystaan Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale Cali Gacal Casir waxaa uu eedeyntan ku daray isagana Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhinacyadaa berri 9:00AM,looga baahanyahay in ay xarunta Maxkamadda tagaan Qareennada difaacaya Xaaf iyo kuwa wakiilka ka ah Casir.

You might also like More from author