Xaliimo Yarey Oo Weli Rumeysan In Soomaaliya Ka Dhici Karto 2021-ka Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa waxaa ay waddaa olole lagu hubinayo in Soomaaliya ka dhacdo 2021-ka doorasho qof iyo codkiisa ah.

Khamiistii, waxaa ay hortagtay golaha wasiirrada si ay ugu qanciso in ay gacan siiyaan guddiga, iyada oo sheegtay in ay ka go’antahay sidii doorashadaasi u dhici laheyd.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, guddiga ayaa soo bandhigay qorshaha guud ee doorashooyinka, si qoto-dheerna uga warbixiyey horumarka ay ku tallaabsadeen ee ku aadan diyaargarowgooda, sheegeyna inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Guddiga ayaa sheegay inay daraasad ku sameeyeen dalal badan oo duruufaha heysta ay la mid yihiin Soomaaliya haddana ay doorashooyin ka qabsoomeen. Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caqabado fara badan, kana codsaday in Golaha Wasiirada ay xal u helaan caqabadahaas oo ay ka mid yihiin tan dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka. Golaha Wasiirada ayaa Guddiga ku ammaanay dadaalkooda una ballanqaaday inay u fududeyn doonaan howlahooda si dalka looga hirgeliyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah 2020ka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa sheegtay caqabadaha hor-taagan in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020-ka.

You might also like More from author