Xaaladii udambeysay Saaka Muqdisho & Ciidankii Saadaq Joon Oo…

Xogo ay heshay Xamar Post ayaa xaqiijinaya in dib losoo celiyay Ciidamo ay Dowladda Caawa dul dhigtay Xaafadda Shirkolle halkaa uu fariisin uu ka sameystay Gen Saadaq Joon oo Gaadiid Dagaal watay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib kulamo ay qaateen si xaaladda loo dajiyo Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, Raysulwasaare Rooble iyo Saraakiil kale oo Dowladda ka tirsan.

Dhinacyada ayaa isku fahmay in waqti badan la galiyo sidii loo baajin lahaa Dagaal ka dhex qarxa Ciidanka Dowladda iyo Ciidan uu wato Saadaq Joon oo taagyeerana ka helaya Ciidamo kale oo ku heyb ah.

Xiisad arrintan ka dhalatay ayaa si weyn looga dareemay xalay Muqdisho, waxaana sidoo kale arrintan ka hadlay Xillibaano ka tirsan Gollaha Shacabka BFS kuwaa oo Dowladda eedeyn dusha uga tuuray ugana digay in ay weerar qaado, waxayna si gaar ah ugu muujiyeen garab-istaag Gen Saadaq oo xillibaanadani ay matalaan.

You might also like More from author