Xaalad Cabsi ah oo soo food saartay Oromada ku nool Somaliland

Xaalad Cabsi ah ayaa soo food saartay dadka oromada ah ee ku nool Magaalooyinka Soomaalilad, kadib markii ay ka cabsadeen inay beegsadaan dadka Soomaaliland.

Amuurtaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii dad badan oo Soomaali ah oo qaadka ka ganacsan jiray lagu dilay Magaalooyinka ay dagaan dadka Oromada ee dalka Itoobiya, taasi oo keentay inuu hakad ku yimaado qaadkii sida maalinlaha ah loo gayn jiray Magaalooyinka Soomaaliland.

Dadka ku nool Magaalada Hargaysa aya ku soo waramaya in xaalad cabsi ah ay soo food saartay Oromada oo ka cabsi qaba in la dilo.

Qaar ka tisarn Warbaahinta Soomaaliland ayaa ku waramaya in ciidamada Booliska Soomaaliland ay dileen laba ruux oo Oromo ah, ayna ku dileen Koontaroolka Caabudla’a ee Galbeedka Soomaaliland.

Wararka ayaa sheegaya dadkaan inay isku dayeen inay cararaan, balse ciidamadii joogay Koontaroolka ay rasaas la dhaceen.

Magaalooyinka ay dagaan dadka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay ku dhawaad 30 ruux oo Soomaali ah, kadib markii ay beegsadeen dadka Oromada.

Oromo badan ayaa waxa ay joogaan Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo Laascaanood, kuwaasi oo ka shaqeysta jarista timaha iyo Kireynta goobaha Suuliyada ee ku dhexyaalo Suuqyada Soomaaliland.

You might also like More from author