Xaafada Shiirkole oo maanta Dhufeysyo Ciidan laga qoday

Xaafada Shiirkole Ee degmada Hodan waxaa maanta lagu arkay Caro tuur iyo jidad xaafadaasi gala oo la gooyey godadna laga qoday.

Dadka deegaanka ayaa ku waabariistay difaacyadaasi iyadoo xaafada la sameeyey xalay,lamana oga sababta ka dambeysay arintaasi.

Shiirkole waxaa deggan General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo dhawaan xilka qaadis lagu sameeyey iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay iska soo horjeeda ay xalay halkaasi ka jireen.

Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale,ayaa ka digay in Muqdisho dagaal laga abaabulo,isagoo sheegay ay marnaba Dawlada weerar ku aheyn General saadaq Joon.

Xalay xaafada shiirkole waxaa ka dhacay banaanbax dad taageersan Saadaq joon dhigeen oo ay kaga soo horjeedeen siyaasada Madaxweyne farmaajo.

3g

3g1

3g2

You might also like More from author