Xaaf:-“Shabaab Maxkamado Ayay Ku leeyihiin Xamar Weyne”,!

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Xaaf ayaa sheegay in Al-shabaab ay canshuur ka qaadaan suuqa Bakaaraha, sidoo kalena ay Maxkamadaha wax ku xukumaan ku yaallaan Degmadda Xamarweyne ee Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu fashil kusoo dhamaaday shirkii Magaaladda garoowe.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa isla maanta u duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu fashil ku soo dhamaaday shirkii madaxda Dowladda iyo Maamul Goboledyada ee Garowe ka socday lixdii maalin ee la soo dhaafay.

Wafdiga Xaaf ayaa Garoonka Magaalada Garoowe, waxaa ku sii sagootiyay Senator C/raxmaan Sheekh Faroole iyo Xubno kale oo ka tirsan masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

You might also like More from author