Wiil soomaali ah oo lagu dilay dalka ingiriiska

Qaar kamida Warbaahinta dalka ingriiska ayaa  daabacay in muwaadin soomaaliyeed lagu dilay bartmaha magaaladda London ee dalkaasi .

Somalida ku sugan dalka Ingiriiska ayaa sheegay dilkan wiilkan in loo adeegsaday Mindi ama Toorey.

Ciidanka Booliska London ayaa xaqiijiyay dilka Wiilkan dhalinyarada ah inuu dhacay xilli uu ku sugnaa bartamaha Magaalada London.

Nuur Bashiir Salaad oo 22 sano jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac loo geystay, iyada oo eheladiisa ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno raggii ka dambeeyay dilkiisa.

Ma jirto cid loo soo qabtay dilka loo geystay Nuur, balse waxaa socda baaritaanada la xiriira dilkan oo ay wadaan Ciidanka Booliska.

Dilalka dhalinayaradda Somaliyed loogu geysanaayo dalka Ingariiska ayaa kordhay bilihii ugu dambeeyay, waxaana taasi ay cabsi badan ku abuurtay waalidiinta kunool Magaalada London.

You might also like More from author