Wiil iyo aabihii oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay labo ruux oo ahaa wiil iyo aabihii lagu dilay bartamaha magaaladaas.

Sida ay sheegayaan wararka dilkan ayaa waxaa geystay nin qabay xanuunka neerfaha oo horay looga ruqseeyay ciidamada, waxaana uu rasaas ku furay dad fadhiyay hotel ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo ee dhanka Puntland maamusho.

Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninka falka geystay oo uu sheegay inuu ahaa nin qaba xanuunka neerfaha.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore shaqada waxyaabaha looga soo ruqseeyay ay aheyd xanuunka uu qabay.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa aad u hadal haya dhacdada naxdinta leh ee magaalada ka dhacday, gaar ahaan geerida wiilka iyo aabihii.

You might also like More from author