Weerar dad badani ku waxyeeloobeen oo ka dhacay dalka Mali.

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaaday gaari nooca dadweynaha ah oo marayay bartamaha dalka Mali.

Wararku waxay sheegayaan dadka la weeraray oo rayid ahaa ay u socdeen suuq ku yaala Bankas oo ku taala bartamaha dalka Mali.

Duqa magaalada weerarku dhacay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ugu badan ee dhibaatadu gaartay ay dumar u badan yihiin.

Dad badan oo kale oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay willi cidi sheegan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga baska ee la weeraray la gubay markii la rasaaseeyay dadkii saarnaa.

You might also like More from author