“Waxa aan diyaar u ahay in aan la fadhiisto cid waliba oo wax ka tabaneysa Jubbaland” Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed  Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadalka shaqsiyaadka doonaya cabashooyinka ka qaba Mamulkiisa.

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Waxa uu sheegay in dhammaan dadka kala tabanaya oo qaybaha kala duwan Bulshada ah uu maamulkiisu diyaar u yahay sidii loo la isugu keeni lahaa si wada hadal lagu dhammeeyo tabashooyinkoodu loo sameeyo.

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

“Waxa aan diyaar u ahay in aan kasoo baxo Madaxtooyada oo aan bannaanka u imaado sidii aan ula kulmi lahaa dadka wax ka tabanaya maamulka oo aan gudaha usoo gudbi Karin, si gaar ah Haweenka cabashooyinkoodu waan dhageysanayaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Image may contain: one or more people, sky, outdoor and nature

Dowladda Federalka waxa uu ugu baaqay in ay dhageysato talooyinka wanaagsan ee lagu hormarinayo shacabka Dowlad Goboleedka Jubbaland, si aan dib loogu celin caqabadihii horay looga soo gudbay.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and outdoor

“DFS Haddii ay ku marmarsiyooneysay khilaaf ayaa jira iyo looma dhamo siyaasadda Jubbaland, ha qiimeyso heshiisyada laga gaaray kala aragti duwaanta, sida heshiiskii ugu dambeeyay ee dhexmaray Maamulka iyo xubnihii Isbadal doonka ahaa” ayuu sii raaciyay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.

Image may contain: one or more people and outdoor

Gogosha dib u heshiisiinta ee uu ka furay Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Jubbland waxa uu sheegay in ay hordhac u tahay kulamo la isugu keenayo dhinacyada wax kala tabanaya.

You might also like More from author