Wax ka ogow Xildhibaano iyo Ganacsato deyn ku leh dowladda Soomaaliya .

Xildhibaano iyo Ganacsato deyn ku leh dowladda Soomaaliya ayaa barri Muqdisho warbaahinta kula hadlaya.

Waxaana ay sheegeen qaarkood oo aan la hadalnay in dowladdu tiri “waxaan bixinay boqol milyan oo deyn ah oo dowladda Soomaaliya lagu lahaa” balse aysan jirin wax la siiyey oo deyntaas lagu gudayo.

Dadka dowladda lacagta ku leh waxa ay u badan yihiin Ganacsato, sida kuwa leh Isbitaallo Ciidanka dowladda lagu daaweeyey iyo Xildhibaano hore oo Mushaar ku leh dowladda.

Dowladdu lacagta ay bixisay yaa la siiyey, haddii deyn laydii ay sidaas leeyihiin?

You might also like More from author