Wax ka ogow cidda heshiisiisay Gudoonka labada Aqal Ee Barlamaanka soomaaliya

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayey Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku sheegeen in ay ka heshiiyeen khilaafkii muddaba u dhaxeeyay.

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in khilaafkii muddada dheer u dhaxeeyay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ku soo dhamaaday isfaham islamarkaana heshiiyeen.

Waxaa uu ballanqaaday in uu si dhow ula shaqeynayo Golaha shacabka dhinaca kalena ka rajeynayo sidaas oo kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay heshiiyeen labada Gole islamarkaana ay diyaar u yihiin dardar gelinta howlaha horyaalla.

Maxamed ayaa sheegay in sharciyada doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka ay ka midyihiin qodobada ugu muhiimsan ee hadda horyaalla Golaha aqalka sare.

Kulanka labada Guddoomiye waxaa ku wehliyay Guddoomiye ku xigeennada 1aad ee labada aqal,waxaana ay dhinaca fadhiyeen labada Guddoomiye ee heshiiska shaaciyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo kujiray sidii labada aqal ee Baarlamaanku u sameyn lahaayeen isfaham dhexdooda ah isaga oo qayb ka ahaa dadaal ay xubno katirsan labada aqal wadeen si loo dhammeeyo xurgufta u dhexeysay labada aqal, guddoomiyaha aqalka sare ayaa horay uga dalbaday madaxweynaha in uu kaqaybqaato xal u elidda wadashaqaynta labada aqal ee Baarlamaana

You might also like More from author