Wasiiru dowlaha xafiiska RW”In aad xeebta liido Aado ma sahlana “

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka hadlayay kulan looga hadlayay dajinta qorshaha 5-ta sano soo socota ee Gobolka Banaadir iyo qorshaha dib u naqshadeynta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu dhibaato weyn kuqabto maamulka iyo maareynta dhulka danta guud ee dowladda oo ay qabaail iyo ganacsato ku qabsanayaan

Mararka qaar ayuu tilmaamay in dowladda ay wada xaajood  ka gasho maamulidda dhulka Danta guud isaga oo tusaale u soo qaatay in Beerihii nasashada (Derjiino) loo rogay goobo ganacsi sidaas awgeedna aanay jirin meel lagu nasto.

Cabdullaahi Xaamud Maxamed Wasiiru Dowlaha Xafiiska Wasiirka Koowaad ee Dalka ayaa sheegay in Dowladda ay leedahay ka go’aan gaarista dhulalka danta guud, hadii ay bixineyso iyo hadii ay ka dhiseyso goobo loogu adeego Bulshada sida waxbarashada.

Qorshaha 5ta sano ee soo socota loo dajinayo Caasimadda waxa uu dalbaday in lagu soo daro sidii loo heli lahaa tallaabooyin lagula soconayo dadka soo gala Caasimadda iyo kuwa ka baxa si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda, qaybna ugu noqoto sugidda amniga Muqdisho.

Qorshaha Caasimadda ayuu tilmaamay Xaamud in ay u baahan tahay dardar gelin, waxyaabaha badan oo aas-aas u ahna ay maqan yihiin sida qorsheynta magaalada, waxa uu sheegay in xaafad walba looga baahan yahay goob waxbarasho ama Iskuul, Masaajid iyo goob caafimaad.

You might also like More from author