Wasiiro Ka tIrsan Maamulka Puntland Oo Laga Xaqiijiyay in uu ku Dhacay Cudurka Covid 19
6 kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda ee Puntland iyo masuuliyiin katirsan laamaha kale ee dawladda ayaa la xaqiijiyey in uu kudhacay caabuqa Safmarka ah ee COVID19, xubnahan ayaa kala ah 3 wasiir, 2 wasiir kuxigeen iyo 1 Wasiiru dowle.
Qaarkood ayaa u baahday in ay helaan qalabka Neefsiga, waxaana lagula xiray goobo gaar ah, sida ay wararku sheegayaan, inkastoo la qariyey.
Lama garanayo sababaha Xubnahan u qarinayaan, maadaama xanuunku uu safmar yahay oo ay tahay in bulshada lagu baraarujiyo in aysan qarsanin.
Xubnaha ugu badan ayaa maalmihii u dambeeyey kusugnaa Qardho oo ay qeyb ka ahaayeen guddiyada Gurmadka oo ay maalinle ula kulmayeen madaxda sare.