Wasiirkii Arimaha Gudaha Galmudug oo xilka laga qaaday (Digreeto)

War galabta kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Xilka qaadista ayaa daba socotay kadib amar diido uu Wasiirku sameeyey tan iyo markii la sameeyey Golaha deegaanka balanbal oo buuq badan dhaliyey.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa si cad ujebiyey Amarkii Madaxweyne Qoor qoor oo aheyd in la hakiyo arinta Golaha Deegaanka Balan bal taas oo ugu dambeyn keentay in galabta xilka laga xayuubiyo.

Warqada Xilka qaadista Waayeel oo ay aragtay ayaa lagu sheegay in xal ka gaarista arinta balanbal ay socoto oo loogu baaqay in dadku is dejiyaan.

Maanta oo udambeysay is rasaaseyn ayaa ka dhacday deegaanka oo salka ku heysa Golaha Deegaanka la sameeyey oo aad buuq uga dhashay xubnaha la magacaabay.

Waayeel

You might also like More from author