Wasiirka Maaliyadda “Si joogto ah ayaa loo bixiyaa Mushaaraadka”

Xukuumada Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan qorshayaal Soomaaliya loogu cafinayo deymaha lagu leeyahay.

Xukuumada ayaa sidoo kale sheegtay in sanadaha soo socdo kadib ay rajeynayaan in Soomaaliya dhammaan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dardar ay ku socoto qorshayaasha Soomaaliya loogu cafinayo deymaha lagu leeyahay

Waxa uu tilmaamay in Xukumada Soomaaliya ay rajeyneyso in sanadaha soo socdo kadib ay ku guuleystaan in Soomaaliya aan deyn lagu sheegan.

Dhan kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay wararka sheegaya in aysan joogto ahayn Mushaarka shaqaalaha dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin hakad ku yimaaday bixinta Mushaarka Shaqaalaha dowladda islamarkaana si joogto ah ay u qaataan.

You might also like More from author